Soomaaliland oo Sheegtay in General Morgan uu Qeyb ka Yahay Dagaalka Laascaanood.

Soomaliland ayaa sheegatay  in hoggaamiyaal Ciidan oo sar sare ay ka barbar dagaalamayaan Dagaalka magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, halkaad muddo ku dhaw 3 bilood ay isku hayaan Ciidaanka Soomaaliland iyo Kuwa Deegaanka.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaliland Cabdiqani Caateeye ayaa faah-faahin ka bixiyay markale dagaalaada dheeraaday ee Laascaanood, waxaa uu daabacay in Ciimada SSC ee Khaatumo ee dagaalka kula jiro Soomaaliland in uu ku jiro dagaalkaad General Morgan oo ka kamid Saraakiisha Miisanka culus ee Puntland wa sida uu hadalka u dhigay.

Warbaahinta ku hadasho Afka Dowladda Soomaaliland oo soo xiganeyso Wasiirka Gaashaandhiga ayaa Baraha bulshadu ku xiriirto ku daabacday hadalkaan.

Ma ahan markii ugu horeysay ee Soomaaliland ay ku eedeyso in Puntland ay qeyb ka tahay dagaalka Magaalada Laascaanood, iyaga oo haatan shaaciyay In General Morgan uu qeyb ka yahay dagaalka Gobolka Sool.

Dhowr jeer ayey Puntland iska fogeeysay eedeeyn culus oo kaga timid dhanka Soomaaliland.

HBN News Desk.

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed