Soomaaliland iyo Dowlad Deegaanka Soomaalida oo Isku Eedeyay Dagaalka Laascaanood.

Shirkii Golaha Wasiirrada Somaliland oo Maanta ka dhacay Magaalada Hargeysa, ayaa laga soo saaray bayaan Culus kaas lagu sheegay in dagaaalka Laascaanood ka socdo ay qeyb ka yihiin, Ciidamo ka tirsan Dowlad Deegaanka Soomaalid ee Itoobiya.

Arrintaan ayaa dhalisay hadal-heyn badan oo dhanka bulsha ah, waxana laga bixiyay Faallooyin badan dhanka baraha bulshada ah.

Balse  Saacado  Dawlad Deegaan Soomaalida ayaa qoraal kale kaga jawaabtay eedayntaasi loo jeediyay, taasoo ku tilmaamtay waxba kama jiraan hadalka ka soo yeeray Golaha Wasiirada Soomaaliland.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Soomaaliland arrintaan ay ka raadineyso nafis Siyaasadeed maaddaama Culusyo Xoggan ay kaga imaanayaan dibadda iyo gudaha.

Arrintaan ayaa ku soo aadeeyso xilli wili magaalada Laascaannood ay isku hor-fadhiyaan Ciidanka Soomaaliland iyo kuwa Deegaanka.

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed