Soomaalida ku dhaqan magaalada Nairobi oo cabsi soo food saartay

Soomaalida ku dhaqan magaalada Nairobi ee caasimada Kenya ayaa waxaa soo food saaray cabsi iyo walwal ku aadan bannaanbaxyada la filayo inay ka dhacaan magaalada Nairobi maalmaha Isniinta iyo Khamiista, kuwaasi oo uu ku baaqay hoggaamiyaha xisbiga Azimio Raila Odinga.

Soomaalida ganacsiga ku leh xaafada Islii ayaa sheegay inay walwal ka qabaan in bannaanbaxyadu isku beddelaan rabshado isla markaana ganacsigooda la beegsado.
Guddiga ganacsatada xaafada Islii ayaa ku wargaliyey ganacsatada inay taxadar muujiyaan maalmahaas oo ay la socdaan xaalada haddii ay dhacaan rabshado aan la furin goobaha ganacsiga.

Inkastoo banaanbaxan la qorsheeyay uuna ku baaqay Raila Odinha haddana taliyaha Booliska Kenya Japhet Koome oo saxaafada maanta la hadlay ayaa sheegay inay mamnuuceen bannaanbaxyada mucaaradku ay ku baaqeen inay ka dhacaan dalka oo dhan, wuxuuna tibaaxay inay Booliisku arrintaasi ka hortagi doonaan.

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed