Somaliland oo xasbiga dhigtay basaasiin ay sheegtay in ay u shaqeynayeen SSC khaatumo iyo Puntland soona bandhigtay

Xukuumadda Somaliland ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen basaasiin la sheegay inay u shaqeynayeen maamullada SSC-Khaatumo iyo Puntland, sida ay ku sheegeen bayaan ka soo baxay hey’adda Sirdoonka maamulkaas, kuwaas oo gaaray ila seddex ruux.

Saddexda qof ayaa lagu xiray deegaanka Oog oo ka tirsan jiida hore ee gobolka Sool, halkaas oo ciidamada Somaliland ay kaga jiraan difaac adag, oo ka dhan ah maamulka SSC Khaatumo.

Eedeysanayaasha ayaa lagu kala magacaabaa: Cabdifitaax Cali Cabdi, Cabdifitaax Xasan Cilmi, iyo Cabdirashiid Maxamuud Ibraahim kuwaas oo xirab, waxaana su’aalo lagu weydiinayaa xabsiga ay ku xiran yihiin sirdoonka Somaliland.

“Hay’adda sirdoonka Somaliland waxay xaqiijisay inay gacanta ku dhigeen 3 basaas ah oo ka kala tirsan SSC iyo Puntland, kuwaas oo loo diray Oog si ay xog uga soo ururiyaan saldhigyada ciidamada ee magaalada,” ayay tiri NIA oo ah hey’adda sirdoonka Somaliland.

Ilaa hadda Somaliland sooma bandhigin caddeymo muujinaya eedaha loo heysto dhalinyaradaan. mana jiro wax war ah oo ka soo baxay SSC khaatumo iyo maamulka Puntland ee ku aaddan arrintaan.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed