Somaliland oo xabsiga dhigtay masuul ay ku eedeeysay in uu la shaqeeynaya sirdoonka dowladda Soomaaliya

Maxkamad ku taala magaalada Hargaysa hal sano iyo bar ku xukuntay Cabdiraxmaan Jaamac Kulmiye oo ay ku eedeeysya in uu la sahqeynayay sirdoonka Soomaaliya sida ay sheegtay hey’adda sirdoonka Soomaliland, kaddib bayaan ay soo saartay, Cabdiraxmaan Jaamac Kulmiye ayaa horay usoo noqday Wasiiru-dowle Puntland, kaasi oo lagu eedeeyay basaasnimo.

Bayanka ka soo baxay ayaa lagu yiri ” Garsoorka Somaliland ayaa sannad iyo badh xadhig ah ku xukumay Cabdiraxmaan Jaamac Kulmiye oo kamid ahaa shaqsiyaad sirdoonka Soomaaliya u qaabilsanaa khalkhal galinta amniga iyo siyaasadda”.

Ninkaan ayaa Hargeysa lagu qabtay 17-December 2023, sida ay sheegtay Somaliland, gaar ahaan hey’adda Sirdoonka mamaulkaas.
Majirto wax war ah oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya ee ku aaddan in Cabdiraxmaan Jaamac Kulmiye oo ka tirsanaa hey’adda Sirdoonka Soomaaliuya.

HBN NEWS DESK

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed