Somaliland oo war culus ka soo saartay mowqifkeeda ku aaddan wadahadalada Soomaaliya

Somaliland ayaa ka dhawaajisay in furitaanka wadahadalada Soomaaliya ay la leeyihiin uusan aheyn mid ka turjumaya in diib loo midoobo markale, balse taas beddelkeeda ay doonayaan in la kala tago, oo ay noqdaan xukuumad gooni u taagan, sida ay ku sheegeen bayaan ka soo baxaya Hargeysa.

Qoraal kasoo baxay Wasaarada Arrimaha Dibadda ee maamulkaasi  ayaa lagu xusay in mawqifka Somaliland ee ku aaddan wadahadalada Soomaaliya iyo Somaliland  uu yahay in ay kala dhammaan labada dhinac, oo kala guuro, iyada oo hannaanka wadahadalkuna uu yahay sidii labada dhinac ay hishiis uga gaari lahaayeen kala go’ hishiis lagu yahay’.

“Wada hadal kasta oo dhex mara Somaliland iyo Soomaliya aanu ahayn midaw ee u yahay sidii labada dowladood ee hore u midoobay ay uga wada hadlaan kala gurasho iyo in lakala tago” ayaa lagu yiri qoraalka.

Qoraalkan ka soo baxay Somaliland ayaa loo diray  Midowga Afrika iyo bulshada kale ee caalamka, kaas oo lagu muujiyay diidmo qayaxan oo ka dhan ah in ay midoobaan Hargeysa iyo Muqdisho, hadlkaan ayaa ku soo beegmay maalin kadib markii uu madaxweynaha Uganda sheegay in uu qayb ka noqon doono dhexdhexaadinta labada dhinac si ay dib ugu midoobaan, kaas oo sheegay in aysan sax aheyn in ay kala go’aan labada dhinac, kana hor yimid hannaanka gooni isu taagga Somaliland.

Wada-hadallada u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya oo dunidu ku tilmaamto Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa markii ugu horreysay bilaawday sannadkii 2012-kii xilligii dawladdii ku-meel-gaarka ahayd ee Soomaaliya.

Wadahadalada labada dhinac ilaa xilligaas si goos goos ah uga dhacayay wadamo kala duwan kuwaas oo aanan samaynin wax horumar ah oo la taaban karo.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed