Somaliland oo walaac ka muujisay falalka burcad badeeda ee ka sii kordhinaysa badda cas iyo gacanka cadmeed

Somaliland ayaa walaac xooggan ka muujisay xaaladda ammaan ee badda cas oo sii xumaanaysa, gaar ahaan falalkii u dambeeyay ee burcad-badeedda. Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa war saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in xukuumaddu ay xoogga saartay falalka amni darro ee ka jira koonfurta badda cas iyo gacanka cadmeed, halkaasoo lagu weeraray maraakiib ganacsi iyo kuwa dagaal, taasoo walaac ka muujisay badeednimada soo korortay.

Somaliland oo soo xiganaysa saamaynta dhaqaale iyo mid bulsho, waxay sheegtay inay ka walaacsan tahay dhaqdhaqaaqyada sharci darrada ah ee ka socda Badda Cas, iyadoo saadaalisay sicir-bararka iyo kor u kaca kharashka caymiska ee maraakiibta ka hawlgasha Badda Cas ee gobolka.

War-saxaafadeedka ayaa hoosta ka xarriiqay sida ay Somaliland uga go’an tahay inay wax ka qabato caqabadahaas, taasoo muujinaysa saamaynta dhaqaale ee ay ku yeelan doonto Somaliland.

Somaliland oo leh xeeb dhererkeedu dhan yahay 850 KM, isla markaana ay ilaalinayaan ciidamadeedu, waxa ay Somaliland qaaday tallaabooyin wax ku ool ah oo ay kaga hortagayso falalka burcad-badeedda iyo tahriibka ee xeebaha dhulkeeda, ayaa lagu yiri bayaanka.

Somaliland, iyadoo sheegtay inay ka go’an tahay ilaalinta mabaadi’da sharciga ah si waafaqsan xeerarka caalamiga ah, waxay muujisay inay diyaar u tahay inay iskaashi la yeelato dawladaha jaarka ah ee Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed