Somaliland oo sheegtay inay qabatay hub u socday Laascaanood

Hay’adda Sirdoonka Somaliland ee NIA ayaa ka warbixisay hawlgal lagu soo furtay hub iyo agab ciidan oo laga sameeyay magaalada Burco. Sida lagu sheegay qoraalo iyo sawiro lagu daabacay baraha bulshada ee X  hore loo odhan jiray Twitter NIA waxay sheegtay inay gobolka Todheer ku qabteen kolonyo ciidan ah oo siday saanad, daroogo iyo kabo ciidan oo ay u wadeen kooxaha huwanta ah ee Laascaanood sida ay ku sheegeen warbixinta.

Hay’adda NIA ayaan shaacin tirada rasmiga ah ee hubka la qabtay iyo halka laga keenay, iyadoo tafaasiil ka bixisay cidda ka masuulka ah qaadista qalabkan ciidan. Si kastaba ha ahaatee, qoraalka Hay’adda ayaa si toos ah loogu eedeeyay shaqsiyaad ku howlan dhoofinta agabka ciidan ee sharci darada ah.

Arrintan ayaa hay’adu sheegtay inay daba socoto hawlgalo is daba joog ah oo mudooyinkii u danbeeyay ay sirdoonka Somaliland wadeen si looga hortago dhibaatooyinka la xiriira argagixisada, burcad badeeda iyo basaaska.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed