Somaliland oo sheegtay in dagaalyahanno uu hoggaaminayo Fu’aad Shango’le ay yimaadeen Laascaanood

Somaliland, ayaa shaacisay in ku dhawaad ​​600 oo ka mid dagaalyahannada Al Shabaab oo uu hoggaaminayo Fu’aad Maxamed Khalaf (Shangole) oo qeyb ka ah horjoogayaasha Al-Shabaab ay gudaha u galeen magaalada Laascaanood, tani waxay walaac  ku sii kordheysay una keentay xukuumadda iyo shacabka, sidaas waxaa lagu sheegay warsaxaafadeed maanta ka soo baxay Somaliland.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu yiri “Xukuumadda Somaliland, waxa ay walaac xooggan ka muujineysaa arrintaas, iyada oo beesha caalamka iyo hay’adaha kala duwan ee ammaanka ku wargalinaysaa in dhacdooyinkani ay khatar ku yihiin jiritaanka Somaliland. Kor u kaca dhaq-dhaqaaqyada xagjirka ah kuma koobna oo kaliya in ay saameeyaan nabad-gelyada Laascaanood balse waxa ay sidoo kale awood u leeyihiin in ay ku soo qulqulaan gobollada deriska la ah, taas oo sii kicinaysa xasiloonida gobolka”.

Hadalka ka soo baxay Somaliland ayaa lagu sheegay in ay qaadayaan tallaabooyin degdeg ah oo wax lagaga qabanayo xaaladdan adag, isla markaana ay socdaan dadaallo lagu xoojinayo xog uruurinta, xoojinta amniga xuduudaha, iyo hagaajinta isku xirka hay’adaha amniga si looga hortago wax loogu yeeray khatarta Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee xagjirka ah.

Warsaxafaadeedka ayaa sidoo kale waxaa lagu sheegay in beesha caalamka, dalalka deriska ah, iyo ururada gobolka ee ay khusayso inay taageeraan oo ay gacan ka geystaan ​​dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo xagjirnimada,  isla markaana loo baahan yahay wadashaqeyn iyo iskaashi si loo wajaho arrintan adag

Ma jiro wax caddeyn ah oo Somaliland soo bandhigtay oo ku aadan sheegashada in ciidamo uu hoggaaminayo Fu’aad Shango’le ay yimaadeen magaalada Laascaanood, mana jiraan ilo madaxbannaan oo xaqiijinaya arrintan, sidoo kale ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Maamulka SSC-Khaatumo oo ku aadan eedeymahan culus ee dhanka Somaliland ka soo yeeray.

HBN NEWS DESK

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed