Somaliland oo sheegtay in ay qaadi doonto dagaallo lagu soo afjarayo xuduudaheeda iyo wax ay ku sheegtay kooxo argagixiso ah

Somaliland ayaa markale ku hanjabtay in ay qaadi doonto dagaal kale oo lagu soo afjarayo xaduudaheeda, kaas oo ku wajahan magalooyinka Laascaanood iyo Buuhoolde oo ay ku soo duleen waxay ay ku magacaawday Kooxaha Argagixisada ah, huwenta iyo maamulka Puntland ee Soomaaliya.

Bayaan  uu soo saaray maamulka Somaliland ayaa lagu xusay in kooxaha argagixisada ay soo gaareen goobo kala duwan, oo ay kamid yihiin buuraha Silsilada ee Goolis, gaar kuwa ku xeeraan maamulka Puntland ee lagu magacaabo Galgala, sida ay hadalka ay u dhigeen.

Somaliland ayaa tilmaantay in kooxan argagixiso ah ay ka soo duuleen goboolada dhexe ee Soomaaliya iyo Shabeelooyinka soona gaareen magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, kuwaas oo ay ku sheegatay in lagu soo jabiyay dagaalada ka socda Soomaaliya,isla markaana hadafkoodu yahay khalkhal gelinta geeska Afrika, waa sida lagu yiri bayaanka.

Sidoo kale bayaan ayaa lagu sheegay in Ciidan uu hoggaaminaayo nin lagu magacaabo Cabdi Madoobe oo ah waa sida Somalilaland hadalka u dhigtay’e wakiilka Al shabaab ee Buuhoodle uu soo gaaray deegaanka, kaas oo wata boqolaal ciidan ah oo xambaarsan afkaarta argagixisada  Al shabaab.

Somaliland ilaa iyo hadda sooma bandhigin wax caddeymo ah oo muujinaya arrimahan, dhinac kale maalmo ka hor ayey aheyd markii ay sheegeen in ciidamo gaaraya 600 oo dagaalyahan kan ka tirsan Al shabaab ay yimaadeen magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool oo uu hoggaaminayo Fu’aad Shango’le oo ka tirsan hoggaamiyaasha sar sare ee Al shabaab, balse maamulka SSC khaatumo ayaa beeniyay sheegashada Somaliland ee ku aaddan wax ay ku sheegeen kooxaha argagixsada ee soo gaaray gobolka Sool, waxaana SSC Khaatumo ay ku sheegeen in hadaladan Somaliland uga gol leedahay inay ku bannaysato duulaan ay ku soo qaado goboladda SSC, sida hadalka loo dhigay.

HBN NEWS DESK

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed