Somaliland oo Puntland ku eedeysay in ciidankeeda ay weerar ku soo qaadeen warna ka soo saaray daagaalkii Laascaanood

Somaliland ayaa war ka soo saartay dagaal saakay ka dhacay magaalada Laascaanood, kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac, kadib markii madaafaac xooggan ay gilgishay dhusmooyinka ku yaal gudaha magaalada.

Somaliland bayaan ay soo saartay ayey ku sheegtay in koox  isbaheysi argagixiso ah, maleeshiyaad iyo ciidaamo ka soo jeedo  Puntland  ay weerar aanan loo meel dayin ku soo qaadeen ciidamadeeda ku sugan duleedka magaalada Lascaanood ee gobolka Sool. Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaarada Gaashaandhiga Somaliland ayaa lagu sheegay in weerar gardaro ah lagu soo qaaday ciidamadooda  ee duleedka Sool.

“Wasaarada Gaashaandhiga Jamhuuriyada Somaliland waxay si xoog leh u cambaaraynaysa talaabada gardarada ah ee doqoniimada ah, oo ay saaka ku kaceen maleeshiyaadka Laascaanood, ciidamada Puntland iyo kooxo argagixiso ah oo caan ah” ayaa lagu yiri.

Somaliland ayaa intaas raacisay in weerarkaas uu yahay mid khatar xooggan ku ah ammaanka, iyada oo sheegtay in ciidamadeeda ay si geesnimo leh isku difaaceen, isla markaan ay jab xooggan gaarsiiyeen ciidamadii soo weeraray, sida ay ku sheegaan warsaxaafadeedka ay soo saareen.

Dhanka kale Somaliland ayaa baaq u dirtay beesha caalamka ee ku aaddan in ay qeyb ka noqoto cambaareynta weerar ay ku sheegtay, mid argagixiso, loonaha baahan yahay in la iska kaashado dagaalka argagixisada, sida ay hadalka u dhigeen.

Ilaa iyo hadda wax war ah kama soo bixin dhinac SSC-khaatumo, dhinaca kale dhanka Puntland jawaab kama bixin eedeynta loo jeediyay.

Ma ahan markii ugu horreyso oo Somaliland ay eed u jeediso maamulka Puntland in ay weerar ku soo qaadeen ciidankooda ku sugan aagga Kooja Cadde.

Ugu yaraan afar qof oo rayid ah ayaa ku dhintay madaafiic saaka ku soo dhacday magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool, sida ay HBN uiu xaqiijiyeen ilo wareed dhanka caafimaadka ah.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed