Saldhigyo muhiim ah oo lagu kala qabsaday dagaalkii ka dhacay duleedka Laascaanood

Wararka ka imaanaya gobolka Sool ayaa sheegaya in dagaal culus oo saaka waabarigii ka qarxay duleedka magaalada Laascaanood ciidamada Somaliland looga qabsaday saldhigyo muhiim ah oo ay ka mid tahay xerada Gooja Cadde oo ay kula dagaalamayeen xooggaga SSC-Khaatumo, sida ay sheegeen masuuliyiin ka tirsan maamulka cusub ee SSC.

Dagaalka xooggiisa ayaa ka dhacay dhawr jiho oo kala duwan sida barta koontarool ee Maraaga oo ku taal waddada isku xirta Garoowe & Laascaanood, dhanka buuraha Xarggaga Iiyo buuraleyda Galbeed waxaana goobahaasi ka dhacay saacado badan socday oo dhaliyay khasaare balaaran oo labada dhinac soo gaaray.

Ciidamada SSC-Khaatumo ayaa ku guulaystay inay ka saaraan ciidanka Somaliland aagga Maraaga iyo buuraha bariga magaalada Laascaanood, waxaana halkaasi lagu qabsaday gaadiid dagaal iyo maxaabiis sida ay sheegeen masuuliyiin ka tirsan maamulka SSC-Khaatumo.

Dagaalka ayaa ku sii faafay saldhiga Gooja Cade oo ahaa saldhigga ugu way nee Somaliland ku lahayd gobolka Sool, waxaana ka dib dagaal socday muddo saacad ah goobtaasi lagala wareegay ciidamada Somaliland.

Saraakiil u hadashay SSC-Khaatumo ayaa sheegay in ay qabteen maxaabiis iyo gaadiid dagaal oo kala duwan oo lahaayeen ciidamada Somaliland, waxay sheegeen in tani ka macno tahay in Somaliland dagaalka lagu jabiyay, isla markaana ay si buuxda ula wareegeen dhammaan goobihii lagu dagaalamayay.

Muuqaalo iyo sawiro la soo dhigay baraha bulshada ayaa muujinaya gawaari leh calaamada ciidanka Somaliland iyo askar ku labbin tuutaha ciidanka lagu qabtay dagaalka.

Dagaalka ayaa hadda lagu soo waramayaa inuu ka socda aggga deegaanka Dhabansaar oo 30km Galbeedka ka xiga magaalada Laascaanood, sida ilo xog ogaal ay u xaqiijiyeen HBN Online TV.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhanka Somaliland oo ku aadan dagaalkan maanta dhacay iyo saldhigyada lagala wareegay.

Dadka falanqeeya xaalada Gobolka ayaa ku macneeyay in Somaliland oo laga qabsaday Gooja Cadde ay waji u yeelayso colaadii ka aloosnayd magaalada Laascaanood sagaalkii bilood ee la soo dhaafay.

Warqabadka HBN Online TV

 

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed