Somaliland oo ka hortimid in Soomaaliya ku biirto Dallada Bulshada Bariga Afrika soona saartay baaq culus

Somaliland ayaa ka hortimid oo gaashaanka u daruurtay go’aanka dowladda Soomaaliya ay ugu biirtay Ururka Bulshada Bariga, isla markaana ka muujisay walaac xooggan, iyada oo sheegatay in tallabadaas ay wax u dhibeyso jiritaanka Somaliland, kana xun yihiin in xukuumadda Soomaaliya ay qeyb ka noqoto sideeda dal xubnaha ka ah ururkaas.
Qoraalka ka soo baxay Hargeysa ayaa sidaan lagu yiri :” Xukuumadda  Somaliland, ayaa walaac xooggan ka muujisay ku biirista Soomaaliya ee ururka Bulshad Bariga Afrika ee EAC. Waxaanu aad u aaminsanahay in go’aankani yahay mid xad-gudub cad ku ah qaranimada Somaliland iyo wadajirka dhuleed”.
Sidoo kale Somaliland ayaa hoosta ka xariiqday hannaanka ku biirada Soomaaliya ee urukaas uu yahay mid lagu maja xaabinayo Somaliland, iyaga oo qoraalka ku daray  in dulmi iyo bahdilaad lagula kacay shacabka Somaliland, kana xun yihiin, Hargeysa ayaa sheegtay in dowladda Soomaaliya aysan xaq u laheyn in Somaliland ay ku matasho madal caalami ah iyo mid goboleed toona ah, sid ay hadalka u dhigeen.
Somaliland ayaa u soo jeedisay Midowga Afrika (AU), Qaramada Midoobay (UN), iyo dalalka xubnaha ka ah EAC inay aqoonsadaan madaxbannaanida Somaliland. Ku biiritaanka Soomaaliya ee uruka Bulshada Bariga Safrika in aysan Somaliland raali ka ahayn, iyaga oo ku tilaamay cadaalad darro weyn.
Warkaan ka soo baxay xukuumadda Muuse Biixi ayaa ku soo beegmaya iyada oo dowladda Soomaaliya ay shalay si rasmi ah ugu biirtay dowladaha xubnaha ka ah ururka Bulshada Bariga Afrika.
HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed