Somaliland oo ka hortimid in Golaha Amaanku ku daro hawlaha ATMIS deegaanada ay maamusho

Maamulka Somaliland, ayaa gaashaanka ku dhufatay hadal kasta oo ka soo baxay Golaha Ammaanka ee Qarammada Midoobay, kaas oo lagu sheegay in Ciidanka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) lagu daro hawlaha  deegaanada ay maamusho Somaliland.

Bayan ka soo baxay Somaliland ayaa lagu yiri “Somaliland ayaa marar badan ku celisay mowqifkeeda golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, oo ah in ay ka madax bannaan tahay Soomaaliya. Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa u codeynaya qaraar qabyo ah oo ku saabsan muddo kordhinta ATMIS-ka ee Soomaaliya, qaraarkan ayaa sidoo kale u muuqdo mid soo jeedinaya in ATMIS ay ka shaqeeyso gudaha Somaliland.

Sidoo kale Somaliland aya qoraalka ku sheegtay in ay aad ayay uga walaacsan tahay taladaas. Ciidanka ATMIS ayaa ka howlgalayay Soomaaliya tan iyo 2007 si ay dowladda Soomaaliya uga caawiyaan la dagaalanka Al-Shabaab iyo kooxaha kale .

Somaliland ayaa waxay si cad u sheegtay in “tan iyo markii ay ku dhawaaqay May 18, 1991 in ay ka go’day Soomaaliya inteeda kale, in ka badan muddo sanno ah ayey raadineysay aqoonsi balse ma aysan helin, iyada oo  marar badan u sheegtay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Si kastaba,  bayaanka ayaa lagu soo gabagabeyay “Xukuumadda Somaliland waxay u soo jeedinaysaa golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay inay saxaan mawqifkooda ku aaddan go’aan kasta oo ay Somaliland ku jirto oo ATMIS ah, lana ixtiraamo rabitaanka shacabka Somaliland ee ah inay noqdaan dal madaxbannaan’.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed