Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Somaliland ayaa si rasmi ah u shaacisay in la hakiyey dhammaan hawlihii ciidda laga rarayay gobolka Salal, gaar ahaan magaalada Saylac, ilaa amar dambe. Go’aankan ayaa dhaqan galaya isla maanta oo taariikhdu tahay 28-ka Abriil 2025.
Qoraal ka soo baxay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shucayb Cismaan Maxamuud ayaa lagu sheegay in hakinta ay salka ku hayso ilaalinta khayraadka dabiiciga ah iyo adkeynta fulinta xeerka Macdanta Somaliland (Xeer Lr. 100/2023). Waxa la xusay in howlahani ay u baahan yihiin ruqsado sharci ah, si waafaqsan nidaamyada sahminta, baarista iyo qodista macdanta.
Wasaaradda ayaa sheegtay in la dardar gelinayo shaqada ay u igman tahay ee ilaalinta iyo maareynta khayraadka Somaliland, isla markaana la dhammaynayo howlihii gaadiidkii iyo dhoofintii ciidda ee gobolka Salal ilaa amar dambe oo ka soo baxa Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta.
Go’aankan ayaa si gaar ah u saameynaya shirkadaha ka shaqeeya rarista ciidda dhismaha ee loo dhoofiyo dibedda, gaar ahaan dalka Jabuuti.
Wasaaradda Tamarta Somaliland waxay caddeysay in masuuliyadda hirgelinta go’aankan ay saaran tahay dhammaan hay’adaha ay khuseyso.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Jibutui oo arimahan la xiriira, sidoo kale lama oga sababaha markii horeba ciid looga raray deegaanada Somaliland oo loo gayn jiray Jibuuti, xilliga la bilaabay iyo ujeedooyinka ka dambeeyay
HBN ONLINE TV