Somaliland oo Jawaab ka Bixisay Warbixin ka soo baxday WHO

Somaliland ayaa jawaab ka bixisay warbixin ka soo baxday hey’adda caafimaadka adduunka Qaramada Midoobay ee WHO, warbixintaas ayaa ku saabsaneed dhibaatada dagaalka Laascaanood ee Soomaliland, WHO ayaa sheegtay in Ciimada Somaliland ay burbur xooggan u geysteen goobaha Caafimaadka ee Laascaanood kuwaas oo lagu garaacay Madaafiic.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah Somaliland, ayaa soo saartay war-saxaafadeed ay kaga jawaabtay warbixin ka soo yeertay Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO oo eedo ku saabsan dagaalka Laascaanood u soo jeedisay Somaliland.

War-murtiyeedka Somaliland ay soo saartay Somaliland ayaa sidaan ahay:

“Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay si mug leh uga xun tahay warbixintii u dambaysay ee ay Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ka soo saartay dagaalka Laascaanood.

Dawladda Somaliland waxa ay u la wadaagtaa beesha caalamka walaaca ay ka qabto rabshadaha iyo qulqulatada ka socota Laascaanood ilaa bishii December ee la soo dhaafay, ciidammada Somaliland waxay ka difaaceen soohdimaha iyo muwaadiniinta reer Somaliland maleeshiyo beeleedyada, kooxda Argagixisada ah ee Al-shabaab ee ku sugan magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Waxaanu samaynay dedaal kasta oo lagu ilaalinayo nafta bini’aadanka, kaabeyaasha adeegyada dadka rayidka ah oo ay ka mid yihiin Cusbitaalada iyo inkaaniyaadka caafimaadka.

Sannado badan Xukuumadda Somaliland waxay dhisaysay isla markaana gacan ka geysanaysay horumarinta adeegyadaas kor ku xusan ee ku yaalla Laascaanood, waxana aanu u ballaadhinay adeegyada caafimaadka dadka gobolka Sool.

Waxa naga go’an Xukuumad ahaan inaanu xaqiijino sidii adeegyada caafimaad ee daruuriga ah iyo mucaawimada kale ee bini’aadanimo ay u heli lahaayeen dadka u baahani.

Waxaan ku boorinaynaa Ha’yadda WHO inay Xukuumadda Somaliland kala shaqeyso sidii loo xaqiijin lahaa in dadka rayidka ah ee uu saameeyay dagaalka socdaa ay u heli lahaayeen adeegyada caafimaad ee ay u baahan yihiin.”

Warbixintaan ka timid Somaliland ayaa imaaneyso iyada oo dhowr jeer hey’addo caalami ah, gaar kuwa arrimaha bini aadanimada ay Somaliland ku eedeeyeen in madaafiic aanan loo meel dayin ku garaaceen magaalada Laascaanood, kuwaas oo sababay khasaaraha Naf iyo Maal.

Somaliland ayaa lagu eedeeyay in si ula kac ah ay u beegsato xarumaha guud ee dad weynaha oo ay ku jiraan Isbitaalo, Masaajid iyo goobo waxbarasho.

HBN NEWS DESK.

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed