Somaliland oo cambaareysay socdaal dhawaan xildhibaanno federaalka Soomaaliya ay ku tageem Laascaanood

Xukuumadda Somaliland, ayaa si adag u cambaaraysay socdaal ay toddobaadkan Wasiirro iyo Xildhibaanno ka tirsan dawladda Faderaalka iyo Maamul-goboleedka Puntland ay ku tageen magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland, Maxamed Kaahin ayaa socdaalkan ku tilmaantay mid gardaro iyo xad-gudub ku ah qarannimada Somaliland, taasoo wax u dhimaysa nabadda iyo xasiloonida gobolka, sida uu hadalka u dhigay.

Wasiirku waxa kale oo uu carabka ku dhuftay in Somaliland ay ka go’an tahay inay qaado tallaabo kasta oo ay ku ilaalinayso madax-banaanideeda, qarannimadeeda, iyo nabadgelyada dhulkeeda. Sidoo kale, Somaliland ayaa walaac ka muujisay wax ay ugu yeertay joogitaanka dagaalyahannada Al-shabaab ee magaalada Laascaanood, inkastoo aan weli si madax-bannaan loo xaqiijin sheegashadaas, halka maamulka SSC ay beeniyeen, sheegashada maamulkaas.

Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Aqalka Sare iyo Aqalka Hoose oo booqday magaalada ayaa xaqiijiyay in Laascaanood ay kusoo laabatay nabad iyo xasilooni. Waxay ugu baaqeen hay’adaha gargaarka inay si degdeg ah u yimaadaan oo ay u caawiyaan dadka deegaanka. Intii ay ku guda jireen booqashadooda waxa ay carabka ku adkeeyeen in aysan la kulmin wax dhibaato amni ah iyo arimo la xiriira argagixiso. Waxa kale oo ay xuseen in maamulka SSC-Khaatumo uu kaalin weyn ka qaatay nabadaynta magaalada.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed