Somaaliland oo War Ka Soo Saartay Colaadda Laascaanood.

Soomaalilaand ayaa War ka soo saartay dalkii muddada bisha ah ka socday Magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool, dagaalkaan oo ay dad badan ku dhinteen kuwa kalana ay ku dhaawacmeen, halka Barakacana uu ka sii badan yahay ayey  Ku dhawaad 20 qodob ka soo sareen maanta.

Guddiga Golaha wakiilada oo arrinta Laascaaanood loo xilsaaray ayaa soo saaray kiiska Gobolka iyo sida xal loogu heli lahaa. Halkaan ka Akhriso Nuxurka Warqadii ah soo saareen:

  1. In mar kale laqaato Lana dhaqan galiyo xabad joojin Deg-deg oo bilaa shuruud ah, si looga baaqsado sii socoshada khasaaraha dagaalka.
  1. In dhamaan Golayaasha Qaranka, Waxgaradka, Culimada, Ganacsatada iyo bulshooyinka kala duwani u guntadaan soo afjarista colaadaasi iyo sidii wada hadal midho dhal ah looga gaari lahaa.
  2. In la soo dhaweeyo Cid walba oo ka qayb qaadan karta xal u helista laas-canood, sida bulshada caalamka wadamada jaarka, kuwa gobolka iyo daneeyayaasha kale
  3. In Goluhu ugu baaqo kooxaha hubaysan ee ka soo duulay deegaanada ka baxsan xuduudka Somaliland ee ka dagaalamaya Laas-Caanood in ay sidaugu dhakhsaha badan uga baxaan.
  1. In Goluhu ku taageero ciidanka Qaranka sugida xuduudaha iyo difaaca Qaranka.
  2. In Goluhu xukuumada u soo jeediyo in khaladaadkii maamul ee ka dhacay laascaanood ay noqdaan kuwo wax laga barto, si aanay mar danbe inoogu dhicin qaladaad noocan oo kale ah oo hagardaameeya Qaranka.
  3. In laga fogaado hadalada nacaybka ah ee sii kala fogaynaya qaybahabulshada ee la isku marinayo baraha bulshada  si waafaqsan xeerka ciqaabta guud qodobadiisa 444, 328aad, 221aad iyo 215aad.

Si Kasataba Warkaan ka soo baxay Soomaaliland ayaana la ogeyn in uu dhaqan gali karo iyo inkale Maaddaama Isimmada dhaqanka Laascaanood ah Shuruud hore ku xireen in Ciidanka Soomaaliland ay ka baxaan Gobolka.

 

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed