Siyaasiyiinta mucaraadka KGS oo kulan xasaasi ah Muqdisho kula yeeshay safiirka dowladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya

Siyaasiyiinta Koonfur Galbeed ayaa wali wada kulamo siyaasadeed iyo dhaqdhaqaaqyo ay ku dhaliilayaan maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya, oo uu hoggaamiya Cabdicasiis Maxamed Laftagareen.

Xubnaha mucaaradka ku ah madaxweyne Laftagareen ayaa maanta kulan kula qaatay magaalada Muqdisho safiirka dowladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Michael Nithavrianakis, waxayna ka wada hadleen xaaladda dalka gaar ahaan maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in Xubnaha Mucaaradka ay Safiirka kala hadleen dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, doorashada Koonfur Galbeed iyo dhaqan gelinta heshiiskii ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Si xal looga gaaro khilaafka hadda u dhaxeeya mucaaradka iyo madaxweyne Laftagareen ayaa sidoo kale waxa ay ka codsadeen xubnaha beesha caalamka in ay kaalintooda ka qaataan doorashada guud ee Koonfur Galbeed.

Inta aysan taasi dhicin ayaa Xildhibaano ka tirsan Koonfur Galbeed waxa ay kulamo kala duwan ku yeesheen Magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi, kuwaasi oo ay ku dhaliileen Hanaanka Maamulka Koonfur Galbeed oo ay sheegeen in diyaar garowga Doorashada uu yahay mid aan ku filneyn.

Si kastaba, xubnahan oo shalay gaaray Dhuusamareeb, kuwaas oo waday codsi ku aadan doorashada Koonfur Galbeed ay u gudbiyeen Madaxweyne Xasan Sheekh.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed