Siyaasiyiinta mucaaradka Goofur Galbeed oo soo saaray war-murtiyeed xaasi ah oo ku saabsan doorashada maamulka & dagaalka AS

Shir wadatashi ah oo ay yeesheen siyaasiinta mucaraadka Koofur Galbeed ayaa muddo seddex maalin ah ka socday magaalada Nairobi ee dalka Kenya, shirkaan ayaa lagu lafaguray doodo xooggan ku saabsanaa doorashada Koofur Galbeed iyo dagaalka Al shabaab.

Shirkaan ay yeesheen siyaasiyeen mucaraadka maamulkaas ayaa laga soo saaray war murtiyeed, ug horreyn waxaa la soo jeediyay in la taageeero dadaalada dowladda ee dagaalka, iyo meel amrinta hishiiskii Baydhabo ee dooorashada.

War-murtiyeedka ayaa lagu bilaabay ugu horreyn taageerida dagaalka ka dhanka ah Al shabaab ee ka soconaya Soomaaliya, waxana lagu yiri:

In si buuxda loo taageero, lana garab istaago dadaallada Federaalka ay waddo ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isla markaana laga qeyb qaato dagaalada dalka looga xorreynayo Al shabaab.

Sidoo kale bayaanka ayaa lagu sheegay in ay tacsi u dirayaan ehelada ciidamadii kala duwanaa ee ku dhintay dagaalkii muddooyinkii dambe dhacayay, iyaga oo caafimaad u rajeeyay kuwii ku dhaawacmay.

Bayaan ayaa lagu xusay meel marinta hishiiskii siyaasadeed ee Baydhabo, iyaga oo sheegay nidaamka hadda jire  uu ku fashilmay in hooggaansamo  dhammaan qodobadii lagu hishiiyay  4 Febbaraayo 2023.

“Waxaa la joogaa waqtigii lagu ballamay fulinta hishiiskaas, waajibna ay tahay in la qabto doorasho dimuqaraadi ah, daah furan loona dhan yahay, taas oo aanan hadda u muuqan mid loo diyaar garoobay, ayna lagama maar maan tahay in waqtigeeda ay ku dhacdo” ayaa lagu yiri bayaanka ay soo saareen siyaasiyinta mucaradka maamulkaas.

Sido kale bayaan ayaa lagu yiri : “Laga bilaabo 1 November, 2023,  maamulka hishiiska siyaasadeed ku jooga ee KGS, waqtigiisa waa dhammaaday, wax door ahna kuma lahan karo geeddi socodka hirgelinta doorashooyinka aanan ka aheyn xuquuq lamid ah murashaxiinta kale”.

Ugu dambeeyn War-saxaafadeedka ayaa loogu baaqay Wasaaradda arrimaha gudaha in ay qaadato doorkeeda ku aaddan meel marin hishiiskii 4 Febaraayo ee magaalada Baydhabo lagu gaaray.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed