Siyaasiyiin Ka Soo Jeedo Jubaland oo Sheegay in 40 Cisho Lagu Qaban Doono Doorashada Maamulkaasi

Siyaasiin ka soo jeedo Jubaland oo muddooyinkii dambe kulamo kala duwan kulahaa  magaalada Nairobo ee dalka Kenya ayaa sheegay in muddo 40 cisho gudahooda doorasho looga qabaj doono Jubaland, iyaga oo dadka Maamulkaasi ugu baaqay in ay muujiyaan u diyaar garoowga doorashada.

siyaasiyiintaa ayaa ah, kuwa sameystay isbaheysi siyaasadeed oo cusub, ayaa Madaxweynaha Jubaland ku eedeyay in uusan diyaar u aheyn in uu qabto doorasho, taas beddelkeedana uu doonayo muddo kororsi sharci darro ah, waxay intaas ku dareen in aanan laga yeeli doonin, Axmed Madoobe in uu af-duubto Jubaland, sida ay u sheegeen warbaahinta.

Dhanka kale waxay ku eedeeyeen in uusan diyaar u aheyn dagaalka Al-shabaab ee deegaannada Jubaland, siyaasiinta ayaa hoosta ka xariiqay in Axmed Madoobe uu si cad u diidan yahay in Al-shabaab laga saaro deegaannada ay ka joogaan maamulkaasi.

Gunnaanadii hadalkooda waxay soo hadal qaadeen in Axmed Madoobe uu joogay xukunka in ka badan 10 sanno uusan xaq u laheyn in uu tartamo, waxayna kaga digeen sii joogista Jubaland, iyaga oo ku dooday in loo baahan yahay is beddel xooggan oo ka dhaco maamulkaasi.

Siyaasiyiinta Isbaheysiga  Jubaland ee ka soo hor jeedo hannaanka joogi-taanka Axmed Madoobe ayaa kalaa ah,Senator Cabdullahi Fartaag, Senator Iftiin Baasto, Cabdirashiid Janan, Maxamed Salaad Oomaar, Cabdi Dheere, Cabsiweli Qaasin ayey u doorteen guddoomiye iyo  xubno kale miisaan ku leh siyaasadda Jubaland.

Si kastaba, taniyo markii la aas aasay Jubaland waxaa madaxweyne ka ahay, Axmed Madoobe, taas ka dhigan in 10 sano ee la soo dhaafay maamulkaasi uu lahaa kaliya hal madaxweyne, waana maamulka kaliya ee wax isbeddel ah uusan ka dhicin.

HBN NEWS DESK

 

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed