Siyaasiinta ka soo jeeda maamulka SSC khatumo oo ka horyimid go’aan shalay ka soo baxay mucaaradka Puntland soona saaray qodobo xasaasi ah

Siyaasiinta ka soo jeeda maamulka SSC khatumo ee xilalka ka haya Puntland iyo kuwa horay xilal uga soo qabtay ayaa ka horyimid go’aankii shalay soo saareen mucaaraadka u sharraxan xilka madaxweynaha maamulkaas, kuwaas oo sheegay  in doorashada Madaxtooyada Puntland ku dhacdo wakhtigeeda oo ku beegan 8 Jan 2024 laguna galo 49 xildhibaan maadaama SSC-Khaatumo ka baxda Puntland.

Sidoo kale mucaraadka ayaa ka horyimid oo kalsoonida kala laabtay guddiga Xallinta Khilaafaadka iyo ansixinta Baarlamanka cusub ee Puntland.

Go’aankaasi ayaa waxaa  gaashaanka u daruuray mas’uuliyiinta ka soo jeeda Beesha Dhulbahante ee ka tirsan Xukuumadda Madaxweyne Deni, isla markaana tallaabada Mucaaridka ku tilmaamay mid aan sharciga iyo Dastuurka Puntland waafaqsanayn, war saxafadeed ay soo saareen.

Xubnahan ayaa ka koobnaa ila 14 xubin oo xilal kala duwan ka haya Puntland, iyo kuwa hore, ayaa soo saaray ilaa shan qodon, halkaan ka akhriso;-

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed