Siyaasiin Culus oo Ka Horyimid Wax Ka Beddelka Dastuurka Puntland.

Siyaasiin hore oo Puntland ayaa ka digay in wax is beddel ah lagu sameeyo Dastuurka Dowlad goboleeda Puntland kadib markii xubnaha golaha wasiirada Puntland ay ansixiyeen in wax ka beddal lagu sameeyo Dastuurka maamulkaasi, iyada dhawaan la isku diyaarinayo   doorashada guud.

Golaha Wasiirrada ayaa ogolaadah in xisbiyada siyaasadda Puntland laga dhigo shan xisbi, halka ay markii hore ahayd saddex xisbi, iyada oo loo gudbiyay Baarlamanka, si uu u ansixiyo.

Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Gaas oo kamid ah Siyaasiinya Culus ee ka soo jeedo Garowe aya ka hor yimid gabi ahaanba arrinta ku aadan wax ka beddel Dastuurka, Waxaa uu sheegay  sheegay in dhibaato weyn iyo khilaaf culus oo ah  xasiloonida siyaasadeed  maadaama  Puntland ay tahay hooyada federaalka Soomaaliya.

Dhanka kale Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa dhankiisa dhalliilay iyo eed Xooggan u jeediyay Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni waxaa uuna ku eedayay in uu doonaayo muddo kororsi iyo in uu xukunka sii dheereysto taasina aysan macquul aheyn.

Waxaa uu hoosta ka xariiqay in aysan jirin baahi ah xilligaan in dastuur wax laga beddelo maaddaama 6 bil ay kaga  dhiman tahay Deni mudda xilleediisa, waxaana uu ugu baaqay in dhibaato Siyaasaseed uusan ka abuurin Puntland.

Arrintan ayaa imaaneysa xilli ay sii xoogeysanayso xiisadda ka dhalatay wax ka beddelka Dastuurka iyo madaxweyne Saciid Deni uu furo dastuurka Puntland, kadib markii uu kulan xasaasi ah la yeeshay ururada siyaasadda.

HBN News Desk 

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed