Siyaasi ka soo goostay Somaliland oo ku biiray SSC eedna jeediyay

Masuul horay uga tirsanaa Somaliland, ayaa ku dhaawaqay in uu ku biiray maamulka magaalada Laascaanood gobolka Sool ee SSC-khaatumo, masuulkaan ayaa ka mid noqonaya tiro masuuliyiin iyo saraakiil ciidan oo ka soo goostay dhinaca Somaaliland, kuwaas oo ka soo ho jeestay mowqifka Muuse Biixi ee ku saabsan in Laascaanood aysan ka bixi karin  siyaasad ahaan Somaliland.

Cabdiqani Maxamuud Jiidhe oo horay u soo noqday barasaabka magaalada Gibiley sannadkii 2021 ayaa muuqaal uu ku baahiyay warbaahinta waxaa uu sheegay in uu ka baxay guud ahaan siyasadda Somaliland, kuna biiray SSC-khaatumo, waxaa uu intaas raaciyay in muddadii ka shaqeynayay Somaliland in dadka reer Sool aysan raacsaneen siyaasadda Hargeysa.

Dhanka kale Cabdiqani Jidhi Barasaabkii hore ee Gibiley ayaa Somaliland ku eedeeyay in dhibaato xooggan ay u geysatay dadkiisa reer Laascaanood sida uu ka dhawaajiyay, waxaa uuna taageeray in laga soo hor-jeesto Ciidamada Somaliland oo laga difaaco gobolka, asiga oo intaas raaciyay in uu taageero siinaayo dhinaca SSC-khaatumo.

Taniyo markii uu bilaawdat dagaalka Laascaanood, waxaa ka soo baxay dhinaca Somaliland, siyaasiin culus iyo saraakiil la soo goostay gadiid dagaal iyo ciidan.

HBN NEWS DESK

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed