Sirdoonka Turkiga oo gacanta ku dhigay shabakad jawaasiis ah Israel leedaha

Laanta sirdoonka dalka Turkiga ee magaceeda loo yaqaan MIT ayaa gacanta ku dhigtey shabakad ka kooban 56 qof oo hawlo basaasnimo ka waday gudaha dalkaasi kuwaasi oo u shaqeynayay sirdoonka Israel ee Mossad loo taqaan.

Shabakadan ayaa la sheegay inay basaasayeen muwaadiniin aan u dhalan Turkiga waxaana ay fuliyeen ilaa 9 hawlgal waxaana ay warbixinada u gudbinayeen xafiiska sirdoonka Israel ee magaalada Tel Aviv.

Hawlgal ay iska kaashadeen laanta ka hortagga aragaggixsada ee booliiska Istanbul iyo xafiiska u qaabilsan ka hortagga sirdoonka ee hay’adda sirdoonka Turkiga ayaa markii hore waxaa lagu soo qabtay 7 qof kuwaasi oo markii baariraan lagu sameeyey qirtay inay u shaqeynayeen sirdoonka Mossad.

Dukumiintiyo ay heshay ayaa daaha ka qaaday in basaasiinta ay ururinayeen sirta taariikh nololeedka muwaadiniinta ajnabiga ah iyagoo isticmaalaya hab online ah, iyo in lala socdo dhaqdhaqaaqa baabuurtooda iyadoo la adeegsanayo nidaamka GPS-ka, iyo in la jabsaday furayaasha sirta ah ee isgaarsiinta loo adeegsado Wi-Fi-ga iyo in la ogaado meelaha gaarka ah ay dadkaasi joogaan.

Shabakadan sirdoon waxay sidoo kale dabagal ku sameeeyeen dad si gaar ah oo Mossad u soo tilmaamtay inay raacaan dhaqdhaqaaqooda, isla markaana sawiro ka soo qaadaan, iyadoo hawlgalkaasi uu dusha ka hagayay nin Carabta Israil ah oo Mossad ka tirsan oo lagu magacaabo Soliman Agbaria.

Kooxdan sirdoon ee u shaqeysay Israel ayaa ka soo kala jeedaa dhawr wadan oo ku yaal Bariga Dhexe, waxaana adeegsanayaan website-yo been abuur ah, telefoono la sheegay inay leeyihin dad aan jirin oo degan Spain, England, Germany, Sweden, Malaysia, Indonesia iyo Belgium.

Warqabadka HBN Online

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed