MadaxweyneXasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed, ha noqdeen kuwa Somaliland ama qaybaha kale ee dalka, aysan marnaba aqbali doonin Israa’iil. Waxa uu sheegay inuu si buuxda u aaminsan yahay in maalin uun Israa’iil ay “boorsooyinkeeda xirxiran doonto” oo ay dib ugu laaban doonto halkii ay ka timid.
Hadaladaan iyo kuwo kale oo la xariira xaaladda amni ee gobolka Geeska Afrika ayuu ku sheegay wareysi siiyey Telefishinka Al Jazeera, isaga oo dalbaday marka hore in dib la eego taariikhda Israa’iil, hab-dhaqankeeda iyo waxa ay hadda waddan ahaan sameyneyso, uusan rumaysnayn in Soomaali lagu qancin karo Israa’iil.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in laga yaabo in Soomaaliya mustaqbalka xiriir la yeelato Israa’iil, laakin se aysan Israa’iil marnaba beddel u noqon karin Turkiga, isla markaana aan labada dal la isbarbar dhigi karin. Waxa uu sheegay in Masar, Sacuudiga, Pakistan iyo Turkiga ay Soomaaliya taageeraan, isaga oo xusay in Turkigu yahay dalka ugu weyn ee taageera Soomaaliya, isla markaana ay arrintaasi ka shaqeynayaan.
Madaxweynaha ayaa sheegay in waxa xiriirka Turkiga iyo Soomaaliya ka dhigay mid gaar ah ay tahay xilligii Soomaaliya ay si buuxda uga go’doonsanayd caalamka. Waxa uu xusay in Recep Tayyip Erdogan oo xilligaas ahaa ra’iisul wasaaraha Turkiga uu Soomaaliya yimid, isaga oo ay la socdeen qoyskiisa, xubno badan oo dowladdiisa ah, wasiirro iyo qayb weyn oo ka tirsan baarlamaanka Turkiga.
Waxa uu sheegay in Erdogan uusan ku ekaan garoonka diyaaradaha, balse uu booqday xeryaha barakacayaasha iyo goobaha gargaarka, taas oo uu ku tilmaamay arrin dib u soo celisay indhaha caalamka ee Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan dooddiisa adkeynaya ayaa carrababaay in wixii xilligaas ka dambeeyay Turkigu bilaabay taageerada dhismaha isbitaallo iyo iskuullo, isla markaana uu maalgelin ku sameeyay garoonka diyaaradaha iyo dekedda Muqdisho. Waxa uu sidoo kale sheegay in Turkigu hadda markii ugu horreysay taariikhda Soomaaliya maalgashi ku sameynayo shidaalka iyo gaaska.
Dhanka Imaaraadka Carabta, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in Maraykanku uusan Somaliland ula macaamilin siyaasad ahaan, halka Imaaraadku uu ula macaamilo qaab diblomaasiyadeed iyo siyaasadeed, isla markaana uu ku dhiirrigeliyo inay Soomaaliya ka go’do. Waxa uu sheegay in Soomaaliya iyo Imaaraadku weli xiriir leeyihiin, safaaradaha labada dalna ay shaqeynayaan, balse dowladda Soomaaliya ay baabi’isay heshiisyadii u dhexeeyay labada dhinac, kuwaas oo intooda badan ku saabsanaa amniga iyo difaaca.
Madaxweynaha ayaa sheegay in Imaaraadku yahay dal aad muhiim u ah, isla markaana dowladda Soomaaliya ay marar badan isku dayday inay hagaajiso xiriirka labada dal, balse aysan ku guuleysan. Waxa uu sheegay inay weli sii wadi doonaan dadaallada lagu hagaajinayo xiriirka, laakiin uu Imaaraadku ku guuldarreystay inuu taageero dowladda Soomaaliya si dalka dib loogu mideeyo loona horumariyo isagoo mid ah. Waxaa kale oo uu sheegay in Imaaraadku si gaar ah ula safatay Somaliland oo uu ku tilmaamay dhinaca ugu weyn ee dhiirrigelinaya gooni-isu-taagga Somaliland, isagoo tilmaamay inuusan garanayn sababta.
Ugu dambeyn, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in Soomaaliya muddo ka badan 30 sano lagu yaqaanay dagaal sokeeye, abaar iyo macaluul, argagixiso, xagjirnimo iyo faragelin caalami ah, balse maanta xaaladdaasi aysan sidii hore ahayn. Waxa uu sheegay in Soomaaliya ay hadda horey u socoto, isla markaana dowladda uu hoggaamiyo ay ka shaqeyneyso dib-u-qaabaynta sawirka Soomaaliya cusub.
HBN Online Tv

