Sidee Looga Xusay Laascaanood Munaasabada 1-da Luulyo.

Markii ugu horreysay ayaa magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool waxa looga dabaal dagay munaasabadda 1-da Luulyo ee 63-da guuradii ka soo wareegtay markio gobolada koofurta ay qaateen xorriyadda.

Laascaanood ayaa looga dabaal dagi jiray 26 June markaas oo gobolada Waqooyi ay xorriyadda ka qaateen Ingiriiska,  balse munasabada1-da Luulyo ayaa sameeysay taariikh cusub taniyo 2007. Iyada oo Calanka buluuga ah ee Soomaaliya laga taagay bartamaha Laascaanood.

Munaasbadda waxaa goobjoog ka ahaay Xillibaanno ka tirsan dowladda dhexe ee Soomaaliya, Isimmada dhaqanka SSC, Siyaasiin, Haween iyo dhallinaro.

Masuuliyiin ka soo jeedo gobolka ayaa qudbado kala duwan ka jeediyay munaasabadda kuwaas oo ku dheeraaday muhiimada ay leedahay midnibada, haddalo ka dhan ah Somaliland, iyo in waa cusun uu u baryay gobolka Sool, kana xorroobeen kamid ahaan shihii Waqooyiga.

Maayarka Magaalada Laas-caanood Cabdiraxiin Cali Cumar Ismaaciil, guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee aqalka Sarre Cabdullaahi Cali Xirsi Timacadde, iyo Garaad Cabdisalaan oo kamid ah Garaadada SSC ayaa kamid ahay Masuuliyiintii Laascaanood ka jeediyay khudbadaha 1-da Luulyo.

Dhammaantood waxaa ay sheegeen hadalo taabanaya  in Isimada SSC looga baahan yahay in sida u dhaqasiyaha badan ay u soo dhameystiraan Maamulka SSC.

Munaasabadda ayaa sidoo kale Isimmadu ka sheegeen in Cadaw Somaliland aam aheyn in aysan laheyn, kuwaas ku eedeyay in xilliyadda habeenkii ay duqeymo ka geystaan magaalada.

HBN News Desk

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed