Sidee looga hadlay deyn cafinta Soomaaliya taasoo dhalisay hadal heyn xooggan isla markaana ay ka hadleen madaxda hadda iyo kuwa hore

Hogaamiyayaasha iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa soo dhaweeyay ansixinta 4.5 bilyan oo doolar oo deyn cafis ah oo ay ansixiyeen hay’adda lacagta adduunka ee IMF iyo Bangiga Adduunka  Arbacadii, kadib markii dalku uu soo gabagabeeyay isbedello dhaqaale oo sanado badan socday.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in xaqiijinta deymahan faraha badan ee laga cafiyay Shacabka Soomaaliyeed ay tahay wax weyn. Waxa uu sheegay in ay albaabada u furayso mustaqbal ifaya oo barwaaqo iyo horumar qof walba ah.

Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre oo khudbad ka jeedinayay munaasabad loogu dabaal degayay deyn cafinta dowladda ee lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa hoosta ka xariiqay in Soomaaliya ay ka baxday liiska dalalka deymaha ku leh. Guushaas waxay kor u qaadaysaa kalsoonida dalka iyo dadka, soo jiidashada maalgashadayaasha caalamiga ah iyo kobcinta dhaqaalaha.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa muujiyay sida uu ugu hanweyn yahay inuu la kulmo inta badan qodobbadii u qabsoomay mudadii uu xilka Madaxweynaha hayay February 2017 ilaa May 2022. Qodobadaas waxaa ka mid ahaa kordhinta dakhliga gudaha, mushaar bixinta bil kasta. iyada oo aan lagu guulaysan, ku dhaqanka sharciga maamulka maaliyadda dawladda, hagaajinta sharciga iibka, iyo dib-u-heshiisiinta qandaraasyada ka dhanka ah danaha maaliyadeed ee Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa ku tilmaamay deyn cafinta in ay tahay guul wax ku ool ah oo u soo hoyatay shacabka Soomaaliyeed, waxa uuna u mahad celiyay saaxiibada caalamka ee dowladda ku garab istaagay in ay gaarto guul muhiim ah.

Guddoomiyeyaasha baarlamaanka iyo madaxda dowlad goboleedyada ayaa sidoo kale ugu hambalyeeyay dhammaan ummadda Soomaaliyeed guusha laga gaaray hannaanka deyn cafinta oo soo socday muddo dheer.

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa muujiyay horumarka ballaaran ee ay dowladda Soomaaliya ka sameysay dib u habeynta dhaqaalaha oo hufan si loo xaqiijiyo xasilloonida dhaqaalaha guud iyo horumar waara.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed