Sidee Loo Kala Heleay Doorashada hordhaca ee Golaha Deegaanka Puntland

Natiijada hordhaca Doorashadii golaha deegaanka Puntland ee lagu tartamay ilaa 30 degmo ayaa waxaa ka soo baxay natiijooyin kala duwan, halkaas oo ay dadweynihu u dareereen in ay codadkooda dhiibtaan, dad kor u dhaafaya ilaa 300,000 kun ayaa ka qeyb kalay daarashada golaha deegaanka ee maamulkaasi.

Ururada siyaasadeedka Puntland ayaa si siman uga qeyb galay, iyada oo isha lagu hayay ilaa dhowr Xisbi, waxana ugu horreya Urur siyaasadeedka Kaah oo uu hoggaamiya Saciid Deni iyo Mideeye, oo uu hoggaamiya Asad Diyaano, haddaba sidaan ayaa loo kala helay codadkii iyo kuraastii doorashada:-

1. Kaah – 67,893
2. Mideeye – 48,062
3. Sincad – 28,985
4. Mustaqbal – 15,069
5. Ifiye – 12,864
Xildhibaanada sida loo kala helay:
1. Kaah – 286 xildhibaan
2. Mideeye – 211 xildhibaan
3. Sincad – 133 Xildhibaan
4. Ifiye – 78 xildhibaan
5. Mustaqbal – 57 xildhibaan.
Wili waxaa dhiman ilaa seddex degmo oo ku yaal gobolka Nugaal, kuwaas oo dib loo dhigay doorashadoodii kadib markii muran siyaasadeed iyo xaalad amni ay la kulmeen guddiga doorashooyinka Puntland, iyaga oo sheegay in ay dib ka shaaci doonaan.

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed