Sidee ayey u wajahday Dowladda Soomaaliya Robabkii Harqiyay Muqdisho.

Masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya, iyo maamulka gobolka Banaadir ayaa u kuur galau roobab xooggan oo ka da’ay magalaada Muqdisho ee Caasimaada dalka, kuwaas oo saameyn ku yeeshay nolosha dadka.

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka  dowladda Saalax Axmed Jaamac iyo Maamulka gobolka Banaadir ayaa kormeer ku tagey xeryaha ay ku nool yihiin dadka danyarta ah ee ay saameynta ku yeesheen Roobabkii xoogganaa ee saacadihii la soo dhaafay ka da’ayey Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kormeerey qaar kamid ah xeryaha ay ku nool yihiin barakacayaasha ayaa faray Hey’adda Maareynta Musiibooyinka in si deg-deg ay ugu gurmadaan dadka u saameyey roobku.

Sidoo kale waxa uu ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed in kaalintooda ay ka qaataan gurmadka walaalahooda Soomaaliyeed.

Masuuliyiintaan ayaa booqday qaar kamid ah Waraha biyo-qabadka Caasimadda oo xiligaas uu Maamulka Gobolka Banaadir ka wadey howllo biyo dhurid ah, kuwaas oo boggaadiyay in howshaan la sii wado.

Kormeerka Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka iyo duqa Muqdisho ayaa waxaa ku wehelinayey xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada,  iyo Taliyaha Ciidanka Booliska.

Si kasataba Saacadihii la soo dhaafay inta badan deegaannada Soomaalida waxaa ka da’ay roobab xooggan oo Saameyey nolosha dadka iyo deegaan, sida Gobolka Banaadir, Galgaduud, Mudug’ Kuufurta iyo bartamaha Soomaaliya.

HBN News Desk 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed