Siciid Deni oo qaadacay heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran ee Muqdisho

Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa si adag uga horyimid heshiiskii dhawaan Golaha Wadatashiga Qaran ku gaaareen magaalada Muqdisho ee isbeddelka lagu sameeyey qaab dhismeedka hay’addaha dawlada iyo hirgalinta doorasho qof iyo cod.

Siciid Deni ayaa ku tilmaamay heshiiskaasi inuu yahay mid aan loo dhammeyn isla markaana dhawr nin aysan beddeli karin wax lagu soo heshiiyay oo lagu soo dhaqamayay tan iyo 1991-kii shirkii Jibuuti.

“Puntland qayb kama ahayn, mana qusayso warkii soo baxay, kuwii hore waxa aan uga baaqsanay oo aan u saxiixi waynay waxaan arkaynay in meel qaldan loo wado dalka” ayuu yiri Siciid Deni.

Madaxweynaha Puntland ayaa ku baaqay in haddii la doonayo in xal laga gaaro arrimaha masirigga ah ay tahay in Somaliland la soo fariisiyo miiska wadahadalka, wuxuuna yiri

“Haddii la rabo xasilooni la’aanta Soomaaliya in la xalliyo waa in Somaliland ay timaado miiska, oo xalka wadajir loo raadiyaa, haddii la kala maqanyahay weligeen wax mira dhal ah soo bixi-maayaan.”

Siciid Cabdullaahi Deni wuxuu sheegay in Puntland leedahay dastuur gooni ah isla markaana ay ku dhaqmayso kaas inta la helayo dowlad Soomaaliyeed oo waa sida hadalka uu u yiriye  “miyir qabta”, isla markaana aanay qayb ka ahayn waxa socda.

HBN News Desk

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed