Shirrka IGAD oo Maanta Ka Furmaya Jabuuti iyo Soomaaliya Arrimaha La Xiriira Soomaaliya

Madax kala duwan oo ka socoto IGAD ayaa ku sii qulquleysa magaalada Jabuuti ee dalka Jumuuriyaddda Jabuuti, madaxdaan ayaa iskugu imaaneyso shirka meertada 14-aad oo sannaadkaan lagu qabanaayo dalkaasi, Madaxweynayaasha iyo Ra’iisul Wasaarayaasha wadamada ku midoobay Urur Goboleedka IGAD oo ay kamid tahay Soomaaliya ayaa madashaan ku kulmaya.

Shirkaan ayaa waxaa dowladda Soomaaliya ku matalaya  Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo shalay galinkii dambe gaaray dalkaasi Jabuuti.

shirkaan ayaa diirradda lagu saari doono arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin nabadda, amniga iyo horumarka Gobolka, Madaxweynaha ayaana soo bandhigi doona doorka kaga aaddan dowladda Federaalka Soomaaliya iskaashiga dalalka ku bahoobay Urur Goboleedka IGAD.

Dowladaha xubnaha ka ah IGAD ayaa xoogga saaraya xal u helidda dagaalka ka socda dalka Sudan, mideynta dadaallada heer gobol ee la dagaalanka waxa loogu yeero Argagaxisada , xoojinta isdhexgalka gobolka,  nabadda, dhaqaalaha iyo horumarinta bulshada.

Sidoo kale kulankaan ayaa looga hadli doonaa arrimaha la xiriiro bixitaanka Ciimada ATMIS ee Soomaaliya, kuwaas oo la qorsheyay in ugu dambeyn sannadka 2024 dhammaadkiisa ay baxaan.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa qudbad dheer halkaasi ka jeedin doono waxana lagu wadaa in diirada saaro qorshaha dowladdiisa ee ku aadan dagaal A-shabaab.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed