Shirkii Wadatashiga Qaran oo GalahaMaalintii Labaa iyo Madax kale oo Ku Soo Biireyso

Muqdisho maalinkii labaad waxaa ka socda Shir ay isugu yimaadeen madaxda talada heysa madaxdii Hore iyo siyaasiyiinta miisaan ku leh siyaasadda Soomaaliya.

Shirkaan ayaa lagu lafa gurayaa xaaladda dalka, amniga, dagaalka Al-shabaab, dib u eegista dastuurka, dimuqoraadiyeynta iyo hannaanka wax ka beddelka arrimaha siyaasada Soomaaliya.

Wajiga 2-aad ee shirkaan ayaa looga doodi doonaa qodobada ugu adag, waxana ugu weyn falcelinta warqadii dhawaan ay soo saareen Golaha  Wadatashiga Qaran ee Soomaaliya, taas oo ay ka hor-yimaadeen madax iyo siyaasiyiin culus oo shirkaan lagu casuumay.

Shirka waxaa maanta ku soo biiri doono madax kale oo ay kamid yihiin Raiisal Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre iyo Guddoomiyah Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe.

War-martiyeed ayaa lagu wadaa in ay soo saaraan maanta markii shirkaani uu soo gabagaboobo sida uu yahay qorshaha.

HBN NEWS DESK.

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed