Shirkii IGAD oo Jabuuti Lagu Soo Gabagabeyay iyo Qodobadii Looga Hadlay

Waxaa la soo gabagabeyay Shir dalka Jabuuti uga socday Uruur goboleeda IGAD, shirkaas ayaa si rasmi ah loo soo gunaanaday, iyada diiradda lagu saaray qodobo muhiim ah.

Madaxda ka qeyb gashay shirka  ayaa intii uu shirka Socday isla gartay qodobo  kala duwan oo taabanaya xaaladda Gobolka, waxana kamid ah xal u helida  colaada ka taagan dalka suudaan, dagaalka Al-shabaab oo ay waddo dowladda Soomaaliya, bixitaanka Ciimada ATMIS ee ka howgalla Soomaaliya.

Madaxweynaha  Soomaaliya Mu Xasan Sheekh iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa  ka qeyb gelay Shir, iyada Madaxweynaha oo halkaasi kaga hadlay xaaladda Soomaaliya, taageerana weydiistay Maxadii halkaasi timid.

 Madaxweyne Xasan sheikh iyo Wafdigiisa ay ku soo bandhigeen  shirka doorka kaga aaddan dowladda Federaalka Soomaaliya iskaashiga dalalka ku bahoobay Ururu Goboleedka IGAD.

Hoggaamiyaasha ayaa isla qaatay  mideynta dadaallada heer gobol ee ciribrirka waxa loogu yeero  argagixisada, xoojinta isdhexgalka gobolka,  nabadda, dhaqaalaha iyo horumarinta bulshada.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed