Shirkii Golaha Wasiirada Soomaaliya oo looga hadlay qaraxii kulliyada tababarka

Kulankii khamiislaha ee Golaha Wasiirada Dawlada Federaalka Soomaaliya ayaa looga hadlay qaraxii dhawaan ka dhacay xerada tababarka ciidamada xoogga dalka ee ay ku dhinteen askarta ka badan 20-ka ayna ku dhaawacmeen tobonnaan kale.

Kulankan oo uu shir guddoominayay Wasiirka Caddaalada Xasan Macalin, maadaama dalka ay ka maqan yihiin Ra’isalwasaaraha iyo Kuxigeenkiisa ayaa qodobada looga hadlay waxaa ka mid ahaa arrimaha ammaanka iyadoo lagu meel mariyay dhawr hindise sharci.

Golaha ayaa shirkooda waxay ku cambaareeyeen qaraxii dhawaan ka dhacay kulliyada tababarka ciidamada Soomaaliya, waxaana  war ka soo baxay kulanka lagu yiri

“Waxaa uu goluhu tacsi u diray Ummadda Soomaaliyeed, qoysaskii iyo eheladii ay ka shahiideen geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka ee ku shahiiday weerarkaasi, iyagoo isla markaana Allah uga baryey inta dhaawacantey inuu Ilaahay deg-deg u caafiyo”

Hindise sharciyeedyada la meel-mariyey ayaa kala ah:-

  1. Hindise Sharciyeedka Xuquuqda Naafada Soomaaliyeed.
  2. Hindise Sharciyeedka Hay’adda Adeegga Baaritaanka iyo Sharciyeeynta Beeraha Soomaaliyeed.
  3. Hindise Sharciyeedka Xakameynta Kiimikooyinka Beeraha Soomaaliyeed.
  4. Hindise Sharciyeedka Abuurka iyo Noocyada Dhir-beereedka.
  5. Hindise Sharciyeedka Badbaadada Dhir-beereedka iyo Takoorka

Iyo Xeer Nidaamiyaha Cunaqabateynta Maaliyadeed ee Cayiman.

Halkan ka daawo Warfaafinta oo ka hadlaya waxyaabihii looga hadlay kulanka 

Warqabadka HBN Online TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed