Shirkadda DP World oo sheegtay in ballaarinta dekadda Boosaaso ay ku baxeyso 366 milyan oo dollar

Shirkada laga leeyahay Isutagga Imaaraadka Carabat ee DP World ayaa ballaarin ku sameyneyso dekadda xarunta gacansiga Puntland ee magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.

Mashruucaan ayaa la filaya in la soo gabagabeyo dhammaadka sannadkaan 2023, sida uu yahay qorshaha hadda socda, kaas oo muddo soo jiitamayay,sidaas waxaa sheegay Axmed Yaasiin Saalax oo ah wasiirka dekedaha Puntland.

Mashruucan oo ay ku baxayso lacag dhan 366 milyan oo dollar, waxa maalgelinaysa qayb ka mid ah shirkadda DP World ee Dubai. Dekedda gacanka Cadmeed ee maamul goboleedka Puntland ayaa ka mid ah dhowr xarumood oo ay shirkaddu ka hirgelinayso Geeska Afrika.

“Marka loo eego in ay ku taallo meel istaraatiiji ah, waa marin ganacsi oo soo jiidan kara ganacsatada gobolka iyo kuwa caalamiga ah” sidaas waxaa  yiri wasiirka dekadaha Puntland yiri Axmed Yaasiin Saalax oo faah faahin ka bixiyay muhiimada ay leedahay ballaarinta dekadda Boosaaso.

Wasiirka ayaa intaasi raaciyay in hirgalinta mashuuraacaan wajigiisa labaad uu bilaaban doono sannadka soo aaddan ee 2024, iyada oo laga dhigayo mid caalami ah, kaas wax badan ka beddeli doono dhaqaalaha Puntland.

Qayb ka mid ah shirkadda DP World ayaa sannadkii 2017 ku guulaysatay heshiis 30 sano ah oo lagu horumarinayo laguna maamulayo dekedda Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland. Shirkaddan ayaa heshiis midkan la mid ah kula jirta dekedda Berbera ee maamulka Somaliland.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed