Shirkad caan ah oo dhanka isgaarsiinta ah oo weerar culus lagu qaaday gobolka Mandheera ee dalka Kenya

Koox loo maleynayo inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ayaa  weerar ku qaaday shirkadda Safaricom ee deegaanka Fincharo ee Koonfurta Mandheera. Inta uu la egyahay khasaarahan rasmiga ah ilaa hadda lama shaacin basle qeyb muhiim ah oo ka mid ah deegaanka Konfuta Mandera aya waxaa  ka maqan adeegyadii isgaarsiinta. Iyada oo dadka deegaanka ay sheegeen in khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah ay ka dhasheen deegaanka.

Sidoo kale, gaari ay wateen ciidamada degmada Ceelwaaq oo ka yimid dhanka degmada Ceelwaaq ayaa la sheegay inuu dhibane u ahaa kooxdii weerarka soo qaaday, waxaana la burburiyay xilli uu taagnaa suuqa degmada Ceelwaaq. Burburinta dhowr qeybood oo Safaricom ah oo si wadajir ah u dhacay ayaa muujineysa sida ay wax u dhaceen, taasoo keentay in su’aalo la iska weydiiyo awoodda sirdoonka ee deegaanka.

Maamulka deegaanka ayaa hadda la tacaalaya dhibaatadii ka dhalatay weerarkan khasaaraha badan dhaliyay, waxaana dadka deegaanka ay wajahayaan internet la’aan. Dhacdadaan ayaa hoosta ka xariiqaysa caqabadaha dhanka ammaanka ah ee ka jira deegaanada ku dhow dhow xuduudka Soomaaliya, waxaana ay muujinayaan walaac ku aadan waxtarka dadaallada ka dhanka ah  wax ay ku sheegeen argagixisada  deegaanadaasi.

Dadka deegaanka iyo maamulka ayaa hadda ku baaqaya in ammaanka la adkeeyo, lana hagaajiyo howlaha sirdoonka si looga hortago weeraro mustaqbalka.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed