Shirka Wasiirad Maaliyaddav DF iyo Dowlad Goboleedyada oo la soo gabagabeyay iyo qodobbo laga soo saaray

Shir u socday muddo 2 maalin ah Wasiiradda Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta lagu soo gebagabeeyey magaalada Muqdisho.
Kulankaan ay yeesheen Waasirada Maaliyadda heer Federaal iyo Dowlad Goboleedyada ayaa lagu gorfeeyay dib-u-habeynta Maaliyadda, mideynta Canshuuraha, dhamaystirka sharuudaha deyn cafinta.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Biixi Imaan Cige oo shirka soo xiray, ayaa sheegay intii uu shirkaan uu socday ay Wasiiradda Maaliyadda Federaalka iyo heer Dowlad Goboleed iyo Gobolka Banaadir uga hadleen arrimaha mideynta canshuuraha dalka iyo sidii loo dardargelinta lahaa dhaqangelintooda.

Shirkaan Wasiiradda Maaliyadda Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa sidoo kale looga hadlay mashaariicda horumarineed ee Saaxiibadda caalamiga ah ay ku taageeraan guud ahaan Soomaaliya iyo Deeqaha Maaliyadeed ee loo yaqaan DPO.

Ugu dambeynta, shirkaan ayaa laga soo saaray War-murtiyeedka ay saxiixeen Wasiirrada Maaliyadda DFS iyo Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir. Shirkaan ayaa waxa aan qeyb ka ahayn oo aan ka saxiixa ku jirin maaamulka Puntland , inkasta oo si ramsi loogu casuumay shirkaan.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed