Shirka Wadatashiga Qaran oo Si Rasmi ah Muqdisho Uga Furmay.

Shir aanan caadi aheyn ayaa maanta uga furmay magaalada Muqdisho madaxda talada heysa niyo kuwii hore, shirkaan ayaa loogu magac daray ” Shirka Wadatahsiga Qaran” kaas oo diiradda lagu saarayo masiisrka siyaasadda Soomaaliya, oo ay dhawaan soo sareen Golaha Wadatashiga Qaran ee soomaaliya.

Madaxweynaha dolwadda Faderaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Muqdisho ku casuumay Madaxda talada haysa, madaxdii & siyaasiyiin hore si kuwasas oo qeyb ka ah shirkaan furmay, oo ah mid wadatashi ah, oo  ku aaddan hannaanka wax ka beddelka doorashada Soomaaliya.

Xasan sheekh ayaa madaxdii hore uga warbixin doono waxyaabihii u qqabsoomay intii uu joogay xafiiska, hannaanka uu doonayo in uu dalka ku hoggaamiyo muddada uu xafiiska joogo, dagaalka Al-shabaab, iyo nuuca ay ku hirgali karto  wax ka beddelka dooraashada Soomaaliya ee xisbiyadda iyo  doorasho qof iyo ocd ah.

Dhanka kale madaxdii hore, ayaa iyaguna soo jeedin doono tallooyin ku saabsan xaaladda dalka, iyo sidey u arkaan Soomaaliya fiican oo ka duwan tii hore, madaxda ayaa laga dhageysan doono tallooyin wax ku ool ah, sida arrimaha masiiriga ah ee qaranka.

Shirkaasi oo socon doona muddo laba maalmood ah, waxana ka qeyb galay Madaxweynayaashii hore, Ra’iisul Wasaareyaashii hore iyo Guddoomiyeyaashii hore ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya.

Shirkaan aya si weyn isha loogu heyn doonaan, waxana laga dhur-sugaya war-murtiyeedka ay soo saari doonaan madaxdaan kala duwan.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed