Shirka Golaha Wasiirrada looga hadlay qodobo xasaasi ah iyo ansixinta magacaabista Agaasime Muhiim ah.

Shirka Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda  Soomaaliya ayaa maanta ka qabsoomay magaalada Muqdisho, waxana lloga hadlay qodobo dhowr ah, iyada oo la ansixiyay Hindise  sharciyeedyo kala duwan.

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa guddoominayay kulanka,waxana lagu ansixiyay Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha oo loo magacaabay, Axmed Saciid Maxamed, kaddib soo jeedinta Wasaaradda Amniga Gudaha.

Golaha ayaa sidoo kale ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee magacaabista xubnaha Golaha Maamulka Hay’adda Korontada oo laf-dhabar u noqon doonta kor-joogtaynta farsamo iyo dhaqan-galinta Sharciga Korontada, xubnaha oo ka kooban sagaal xubnood ayaa lagu soo xushay khibraddooda.

Shirka Golaha Wasiirrada ayaa  lagu ansixiyey Hindise Sharciyeedka Hubka Soomaaliya iyo Xeerka Amniga iyo Bedqabka Xurumaha Dowladda, Amniga Hotellada, Goobaha Ganacsiga iyo Xarumaha adeegyada Bulshada.

Sidoo kale, Wasaaradaha Amniga Gudaha, Gaashaandhigga, Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta iyo Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ayaa goluhu ka dhageystay warbixinno muhiim ah oo ku saabsan Amniga, Waxbarashada iyo Hirgalinta Nidaamka Aqoonsiga dadweynaha.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed