Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo Furmay iyo Ajandaha Looga hadlaayo oo La Shaaciyay.

Muqdisho (Hbnonlinetv)- hirka Golaha Wadatashiga Qaran ayaa si Rasmi ah uga furmag Magaalada Baydhabo ee Xarunta MaamulKa Koofur Galbeed, Shirkaan ayaa waxa furanay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Baydhabo waxaa lagu lafo-guri doona qaab dhismeedka amniga qaranka, hannaanka federaaleynta maaliyadda, doorashooyinka heer Federaal iyo heer dowlad-goboleed.

Shirkan waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Xamse Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda  Saalax Jaamac  iyo Madaxweynayaasha Dowlad-Goboleedyada, Koonfur-Galbeed  Cabdicasiis Xasan Maxamed, Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen, Jubbaland  Axmed Maxamed Islaam, Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho  Yuusuf Xuseen Jimcaale.

Dhanka kale Shirkaan waxaa ka maqan Madaxwenha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni kaas oo iska diiday ka qeyb galka Shirkaan arrimo la xiriiro Khilaadka Puntland iyo Dowladda Dhexe.

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed