Shirka Golaha Wadashaqiga Qaran oo Muqdisho Ka Furay iyo Qodobada Looga Hadlayo.

Shirka  Golaha Wadatashiga Qaran ee Soomaaliyaa ayaa ka furmay Maanta magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya, waxana  shir guddoomiyaha Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhammaam Maamul goboleedyada xubnaha ka ah dowladda dhexe marka laga reebo Puntland.

Shirka  ayaa lagu gorfeynayaa  xaaladda guud ee amniga dalka  sidii loo hormarin lahaa, gaar wajiga labaad ee howlgalka dagaalka Al Shabaab in la xoojiyo  dhameystirka deyn cafinta iyo dhaqangelinta heshiisyadii horey ay u gaareen golaha wadatashiga qaran ee ka dhacay Koofur Galbeed.

Kullankaan ayaa lagu wadaa markii uu soo gaba-gaboobo in laga soo saar war-murtiyeed iyo go,aannada laga soo saari doono, kuwaas oo noqonaya kuwa inta badan la xiriiro ahmiyadda Ammaanka, dagaalka Al Shabaab, wadashaqeynta dowladda dhexe kuwa maamul goboleeyadda.

HBN News Desk

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed