Shir muhiim ah oo Dhuusamreeb uga furmay dowladda iyo Galmudug.

Shir looga hadlayay xasilinta deegaannada laga saaray Al-shabaab ayaa ka furay magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.

Ku simaha Madaxweynaha Galmudug Cali Daahir Ciid iyo Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya  Axmed Macalin Fiqi ayaa Magaalada Dhuusamareeb ka furay Shir ku saabsan Xasilinta deegaanadii laga xoreeyay Al-shabaab, wajigii 1-aad  ee bilaawgii sannadkaan.

Kulanka ayaa waxaa ka soo qeyb galay Saraakiil ciidan, iyo madax ka socotay dowladda dhexe iyo Galmudug, waxana laga soo saari doonaa go’aanno ku saabsan sidii loo xasillin lahaa deegaannada laga gacan maroojiyay dhaqdhaqaaqa Al-shabaab.

Dhowr jeer dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in la dejin dooni hannaan lagu xasillinaayo deegaannadaas,  kulamo dhowr ah oo ka dhacay caasimadda Soomaaliya, kuwaas oo u dhaxeyya madaxda dowladda iyo dowladdaha taageero Soomaaliya iyo Wakiilo ka socday Qaramada Midoobay.

HBN NEWS DESK.

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed