Shir Heerkiisu Sareeyo oo Looga Hadlayo Deyn Cafinta Soomaaliya ayaa Ka Furmay Nairobi.

Magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaa maanta  ka furmay shirka hannaanka deyn-cafinta Soomaaliya kaas diiradda lagu saarayo arrimaha badan, waxaa uu socon doona muddo Afar maalmood ah, waxaana goobjoog ka ah qaar ka mid ah hey’adaha Dowladda Soomaaliya oo ay ugu horreyso Wasaaradda Maaliyadda iyo IMF/Bangiga Adduunka.
Shirkaan ayaa inta uu socdo waxaa looga hadli doonaa  horumarinta wax soosaarka Dakhliga gudaha, hirgalinta nidaamka maamulka maaliyadda guud iyo dib-u-habeynta kaabayaasha dhaqaalaha dalka.
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Elmi Mahamoud Nur ayaa sheegay in ay qaadayaan talaabo dowladeed oo loo dhan yahay si loogu guuleysto fulinta qorshayaasha horumarineed ee dib-u-habeynta Maaliyadda Soomaaliya iyo dhameystirka Barnaamijka Deyn Cafinta Soomaaliya.
HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed