Faah faahin: Shil gaari oo sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Jubbalaand

Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka imaanaya shil gaari oo ka dhacay Jubbalaand, waxana ka dhashay khasaaro kala duwan oo dhimasho iyo dhaawac ah.

Shilkaan ayaa dhacay duleedka garoonka diyaaraha ee magaalada Kismaayo, waxana la xaqiijiyay dhimasha hal-ruux iyo ku dhawaad dhaawaca ilaa 5 ruux,  kuwaas oo qabo dhaawacyo kala duwan, waxana loola cararay goobaha caafimaadka, oo lagu dabiibaayo.

Ilaa iyo hadda maamulka Jubbalaand wax faah faahin ah kama bixin, shilkaas gaari ee waxyeelada sababay, sawirrada laga soo qaaday ee lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinaya nuuca shilka gaariga uu yahay.

HBN NEWS DESK.

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed