Shi Gaari oo Geeystay Khasaaro Dhimasho iyo Dhaawac ah oo Ka dhacay Soomaaliland.

shil gaaray oo ka dhaay Soomaaliland ayaa dhaliyay khasaaro kala duwan oo isku jiro dhimasho iyo dhaawacyo halis ah kuwaas loo cararay goobaha Caafimaadka.

Inta la xaqiijiyay laba Ruux ayaa ku geeriyootay halka tiro kale ay ku dhaawacmeen Shil Gaari oo Maanta ka dhacay duleedka Bari ee Magaalada Gibiley.

Shilka ayaa  lasoo warrinayaa  in uu sababay markii uu rogmaday mid kamid gaawaarida ah dad weynaha ee loo yaqaan Caasi kaas Safar ku jiray.

Dadkii ku dhaawacmay ayaa hadda lagu dabiibayaa  Isbitaalka Magaalada Gabiley si loogu daaweeyo.

Ciidamo katirsan kuwa ilaalada Waddooyinka ee Somaliland ayaa tegay halka uu shilka ka dhacay, iyaga oo u gurmaday dadka dhaawaca ah, sidoo kalena xiray wadihii Gaariga Shilka galay.

Degaannada Somaliland ayaa meelaha inta badan shilalku ay ka dhacaan waxana loo aaneyaa waddooyinka oo aan sifiican u dhisneen iyo Darwalada oo si Xowli ah u wada gawaarida

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed