Sheekh Aadan Madoobe oo kulan muhiim ah la yeeshay xigeenka Ergeyga Qaramada Midoobay

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka  Soomaaliya Sheekh Aadan Madoobe ayaa kulan muhiim ah la yeeshay ku xigeenka Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan kaalmeynta  Soomaaliya Anita Kiki Gbeho, labada masuul ayaa kawada hadlay arrimo muhiim ah oo kala duwan, kuwaas oo khuseeyay xaaladda Soomaaliya.

Ku xigeenka Qaramada Midoobay ayaa Guddoomiyaha la wadaagtay  shaqadii uu qabtay Baarlamaanka intii uu socday kalfadhiyadii la soo dhaafay iyo doorkiisa odaytanimada leh uu ka cayaaray dib u heshisiinta dalka.

Dhanka kale waxa ay kawada hadleen in Barlamaanka ay kala shaqayn doonaan dhanka hormarinta iyo tababarada Xildhibaannada Soomaaliya,  waxaa  kale oo ay isla soo hadal qaadeen dhamaystirka Dastuurka KMG ee Jamhuuriyadda iyo dagaalka dowladdu ay kula jirto kooxda Al-Shabaab.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe ayaa muddooyinkii dambe kulamo la yeelanayay masuuliyeen ka socotay Qaramada Midoobay, Midawga Yurub iyo Ingiriiska, isaga oo xafiiskiisa ku qaabilay maalmo kahor Safiirka Boqortooyadda Ingiriiska Amb Michael Nithavrianakis.

Iyaga ka wada hadlay xoojinta horumarinta shuruucda muhiimka u ah dalka, sida dib u eegista dastuurka KMG ah ee Soomaaliya.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed