Shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho oo si careysan uga hadlay weerarrada Israa’iil ay ku hayso marinka Qaza

Shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa isugu soo baxay maanta oo Jimce ah waddooyinka waaweyn, iyagoo ka careysan weerarrada Israa’iil ay ku hayso marinka Qaza, waxayna muujinayeen garab istaagga Falastiiniyiinta.

Dibad-baxayaasha oo ay ku jiraan culimaa’udiin, dhalinyaro iyo haween, ayaa ku qeylinayay ereyo ka dhan ah Israel, laguna taageero  Falastiin.

Qaar ka mid ah dadkaasi ayaa sidoo kale la arkayay iyagoo sita calanka falastiiniyiinta iyo boorar ay ku qoran yihiin hal ku dhigyo ay ka mid yihiin “Jooji dambiyada dagaalka” “Falastiin xorta ah” iyo “Waxaan dalbaneynaa in la joojiyo xasuuqa ka socda Gaza, ee Falastiin.

Waxay dalbadeen in la joojiyo duqeymaha bahalnimada ah ee Israa’iil ay ka waddo Qaza.

Qaar kamid ah dadka ku nool  magaalada Muqdisho oo la hadaly warbaahinta gudaha iyo dibadda  ayaa sheegay in caalamka looga baahan yahay in ay hurdada ka kacaan oo ay joojiyaan duqeymaha ay Israa’iil ku heyso dadka rayidka ah ee ku nool Qaza iyo sidoo kale gumeysiga arxan darada ah ee ay ku heyso dhulka Falastiin.

Arbacadii, dowladda Soomaaliya waxay ku biirtay caalamka intiisa kale cambaareynta duqaymaha loo geystay isbitaalka Al-Ahli Baptist ee Gaza, waxayna ku tilmaantay “dambi dagaal”.

War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu cambaareeyay qaraxii ka dhacay Isbitaalka, kaasoo ay ku dhinteen in ka badan 500 qof oo ay ku jiraan haween iyo carruur, iyo dhaawacyo tiro beel ah.

Qasa ayaa waxaa ka taagan dhibaato bini’aadantinimo oo aad u daran, iyadoo aan lahayn koronto, halka biyaha, cunada, shidaalka, iyo agabka caafimaadka ay gabaabsi yihiin.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa ku baaqay “xabad joojin bini’aadantinimo oo degdeg ah, si loo yareeyo xaaladda ka sii dareysa ee gobolka.

Ugu yaraan 4,137 falastiiniyiin ah, oo ay ku jiraan 1,524 caruur ah iyo 1,000 haween ah ayaa lagu dilay weerarrada Israa’iil ay ku qaaday Qaza.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed