Shacabka ku dhaqan deegaanka Bacaadweyne ee koonfurta Mudug ayaa ku biiray dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab

dadka deegaanka deegaanka Bacaadweyne ee koonfurta Mudug ayaa sheegay  in ay ka qeyb qaadan doonaan dagaalka iyo xoreynta deegaanada maamulka Galmudug ay kaga sugan yihiin Al shabaab, dadkaan ayaa ka qeyb galay madal saraakiisha ciidanka ay kula hadlayeen gudaha magaaladaas.

Korneyl Xirsi Cali Quuri oo ka tirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliya oo la hadlay shacabka ku dhaqan deegaanka Bacaadweyne ayaa sheegay in ciidamada, siyaasiyiinta, odayaasha, dhalinyarada, iyo aqoonyahanada looga baahan yahay inay u diyaar garoobaan, isla markaana loo midoobo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Korneylku waxa uu sheegay in dhawaan ay furimaha hore ee dagaalka kula geli doonaan ciidanka uu hoggaamiyo, maadaama sanad ka hor ay ka qeyb qaateen xoreynta, isla markaana ay diyaar u yihiin in wax uu ku sheegay kooxaha argagaxisada ah laga ciribtiro deegaanada maamulka Galmudug.

Dhanka kale Odayaasha deegaanka dhalinyarada iyo ururada bulshada ee deegaanka ayaa dhankooda sheegay in ay diyaar u yihiin in ay garab istaagaan ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ee ku jiro dagaalka lagu ciribtiraayo jiritaanka dagaalyahanada Al shabaab.

Galmudug waxaa ka socoto guubaabin dhanka shacabka ah, oo lagu soo bandhigayo diidmo qayaxan oo lid k ah Al shabaab, iyada oo maalmo kahor magaalada Baxdo ee gobolka Galgaduud lagu qabtay bannaanbax ka dhan Al shabaab.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed