Shacabka Jarmalka oo codkooda ku muujiyay mowqifka dawladooda ku hubeenayso Israa’iil.

Ra’yi ururin ay samaysay hay’adda cilmibaarista Forsa ee Jarmalka laga leeyahay ayaa muujisay in boqolkiiba 60 shacabka Jarmalku ay ka soo horjeedaan in la hubeeyo Israa’iil oo weeraro lagu sifeeyay xasuuq ka wadda marinka Qaza, sida ay qortay wakaalada wararka Anadolu ee Turkiga.

Ra’yi ururinta oo lagu sameeyay taleefoon ayaa waxaa ka qayb qaatay 7,000 oo qof, waxaana ay socotay 17-kii ilaa 18-kii bishan October, waxaana dadkaasi kaliya 3% ay taageereen in la sii wado hubka Jarmalka u dhoofiyo Israa’iil.

Natiijooyinka ra’yi ururinta, ayaa muujisay in 75 boqolkiiba dadka ka qaybqaatay ee ku nool Jarmalka Bari ay ka soo horjeedaan shixnadaha hubka ee Israel.

Jarmalku waxa uu ogolaaday in uu hub iyo qalab milatari oo qiimahoodu dhan yahay 31 milyan oo Euro uu ka iibiyo Israa’iil 8-dii todobaad ee u dambeeyay.

Xukuumada Jarmalka ayaa sheegtay 16-kii Octobar in ay ogolaatay in ay Israa’iil ka iibiso hub iyo qalab milatari oo ku kacaya 45.74 milyan oo Yuuro sanadkan.

Wakaalada wararka Anadolu ayaa warbixinteeda ku xustay in laga soo bilaabo Oktoobar 7, 2023, iyada oo taageero aan leexleexad lahayn ka helaysa Maraykanka, Israa’iil waxa ay Gaza ka wadday xasuuq ay ku dhinteen kuna dhaawacmeen in ka badan 142,000 oo Falastiiniyiin ah, iyadoo in ka badan 10,000 oo qof la la’yahay sidoo kalena waxaa weeraradaasi ka dhashay burbur iyo macaluul ba’an oo ay ku dhinteen tobanaan carruur iyo waayeel ah.

Tel Aviv ayaa sii wada weerarrada ay waddo iyadoo iska dhego tirtay go’aankii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee ahaa in si deg deg ah loo joojiyo dagaalka, iyo amarada Maxkamadda Caalamiga ah ee ku aaddan in la qaado tallaabooyin looga hortagayo xasuuqa iyo hagaajinta xaaladdaha bini’aadantinimo ee musiibada ah ee ka jira Qaza.

HBN Online TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed